Deeq A. Posted January 25, 2021 Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dagaal rogaal celis ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo oo ay xalay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada Gorgor, wuxuuna xoogiisa haatan ka socdaa, halka loo yaqaano buurta magaalada Beledxaawo iyo xaafadda UK. Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites