Deeq A. Posted January 25, 2021 Dowlad Goboleedka Jubaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa guud ahaan reer Jubaland geerida naxdin leh ee ku timid marxuum Cawil Cali Bare Cumar (Cawil Buluq ) oo xalay ku geeriyooday is-rasaaseyn ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo. Marxuum Cawil Cali Barre oo ahaa masuul ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa u dhintay rasaas ka dhacday bar koontarool oo u dhaw hoyga uu ka daganaa Magaalada Kismaayo, hey’addaha amniga ee Magaalada ayaa ku guda jira baarista waxa sababay rasaastaas. ugu danbeyn waxaan Alle ugu baryeynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuumka inuu samir iyo iimaan siiyo, isagane janada firdows guri uga yeelo. aamiin View the full article Share this post Link to post Share on other sites