Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo diiday in tallaalka Koroona ay gaadhsiiso dhulka ay ka heysato Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil oo diiday in tallaalka Koroona ay gaadhsiiso dhulka ay ka heysato Falastiin

dameer-300x168.jpg

Israa’iil ayaa ku gacan seydhay codsi uga yimid Qaramada Midoobey oo ahaa in shacabka reer Falastiin ee ku nool dhulka la heysto ee Falastiin in la gaadhsiiyo tallaalka ka hortagga cudurka Koroona.

Wasiirka caafimaadka ee Israa’iil Yuli Edelstein ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uusan waajib sharci ka saarneyn in tallaalka la gaadhsiiyo shacabka reer Falastiin ee ku nool dhulkaas.

Wuxuu BBC-da u sheegay in heshiiska nabadda ee Oslo uu dhigayay in shacabka Falastiin uu waajib ka saaran yahay in iyagu ay is dabaraan marka ay timaaddo daryeelka caafimaadka.

Khuburrada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey waxay ku doodeen arrintani ay kasoo horjeedo heshiiska nabadda.

Falastiiniyiinta ayaa meelo kale ka codsaday tallaalka ka hortagga Covid-19 balse lama filayo in toddobaadyo gudahood ay ku helaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this