Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaad Guurka Siyaasadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashadii ka dhacday Kenya 2017 waxaa ku loolamay laba xulifo oo ku ciyaarayay Magacyadda ODM( Orange ) iyo Kanu ( Jubilee) kuwaasoo ay kala hogaaminayeen Madaxwayne Uhurru Kenyata iyo Siyaasigga Ruug-cadaadiga ah ee Raila Odinga .

Hadaba sanadkii 2018 ayay labadii nin ee is hayay ee Uhurro Kenyata iyo Raila Odinga ku heshiiyeen heshiis qarsoon oo aan cidina ogayn , hassa yeeshee u muuqda xulifo siyaasadeed oo dhex martay labadan nin cidii ku raacda .

Xiligan oo doorashooyinkii ay ka hadhsan yihiin wax ka yar sanad iyo badh waxaa soo baxaya xulifooyin cusub oo ah kuwa laggu geli doono doorashooyinka soo socoda ee 2022 .

Madaxwayne Uhuro Kenyata iyo Raila Odinga ayaa ku geli doona magaca BBI ( Building Bridge Initiative ) waxaan xulifadaa ka qayb geli doona siyaasiyiin ka kala tirsan labadii xulifo ee horre ee ODM IYO Kanu , waxaana ugu cadcad siiyaasiga caanka ah ee Kolonzo misiyoka oo horre madaxwayne usoo noqday .

Dhinaca kale Madaxwayne xigeenka hadeer ee Kenya William Ruto ayaa oo aan qayb ka ahayn heshiiska Uhurro iyo Raila ayaa hogaamin doona xulifadda cusub ee la loolami doonta Xulifadda BBI , waxaanu ku gelayaa Magac cusub oo la yidhaahdo UDP
( United Democratic Party ) .

Xulifadan dambe ee UDP waxaa ka qayb geliya Gudoomiyaha Xisbigga Raila Odinga ee hadeer John Mbadi oo aan sidda Ruto qayb ka ahayn qorshaha uu saaxiibkii Raila kula heshiiyey Uhurro Kenyata .

Xisbiyadda yaryar ee ka jirra wadanka Kenya iyo siyaasiyiinta saamaynta ku leh goboladda wadanka ayaa ku kala biiriya labadan xulifo , waxaana soo shaac baxaya in rag badan oo wada socday doorashadii 2017 ay hadeer kala baydheen rag badan oo kala safnaana hadeer ay wada socdaan , waana wajiyadda siyaasadda is badbadalka iyo loolanka .

Si kastaba ha ahaatee , siyaasadda Somaliland waxaa abateedka ka qaaday sadex shay oo kala ah , Xidhnaanta axsaabta siyaasadeed , aragti la aanta aanay jirin curin iyo hal-abuur iyo tayo xumidda siyaasiyiinta oo aan lahayn awood ay ku alifaan aragtiyo siyaasadeed oo nuxur leh , waxaana la odhan karaa siyaasadii Somaliland waxaa ku dhacay Nabaad-guur sidda dhulkeena uu ugu dhacay Nabaad-guurku .

FB_IMG_1611499229485.jpg

W/Q Axmed Nuur Guruuje

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this