Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ballan qaad culus u sameysay haweenka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta si wadajir ah waxa ay xarigga uga jareen xarunta u qareemida qoondada haweenka ugu yaraan boqolkiiba 30, waxaana xaruntaasi loogu magac-daray wasiiraddii hore ee wasaaradda caafimaadka Allaha u naxariistee Qamar Aadan Cali oo ku geeriyootay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay hoteelka Shaamow, 2009-kii.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xaruntan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah haweenka ku jira baarlamaanka labada aqal.

Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha in uu fuliyo ballantii haweenka ay la galeen ee ah in lacagta ay isku soo sharraxayaan haweenka boqolkiiba 50 laga fara-geliyo, islamarkaana hoos loogu dhigo.

Ugu dambeyn munaasabadda waxaa ka hadashay wasiirka wasaarada haweenka Marwo Xaniifo Maxamed Ibraaahim, iyada oo sheegtay in xaruntan cusub ay noqon doonto mid ay siyaasad ahaan ka duulaan haweenka, laguna ilaalin doono qoondada haweenka ee 30%.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this