Deeq A. Posted January 24, 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo xay alay ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka, mootooyinka iyo meelo gaar ah oo bartilmaameed u ahaa. Sidoo kale ciidamada ayaa ciidamada Bara-Control oo horleh ka sameystay waddooyinka weyn ee Maka Al-Mukarrama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa falalka amni darrada ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan , kuwaas oo ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites