Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxay dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faa faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo hubeysan saaka ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya labo ruux oo dhalinyaro ay kooxdaasi hubeysan ku dishay, halka loo yaqaano Carwa-Idko oo ka tirsan degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dhalinyarada toogashada lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan ammaanka Soomaaliya.

 Shalay ayey aheyd markii dilal qorsheysan oo loo geystay askar iy odayaal dhaqameed ay siyaabo kala duwan uga dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this