Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee xaaladda mas’uuliyiintii shalay qaraxa lala eegtay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ka warbixiyey xaaladdiisa caafimaad, isaga iyo xildhibaan hore Xuseen Caraale Cadaan oo shalay qarax miino lagula eegtay nawaaxiga isgoyska Beexaani, gaar ahaan dhanka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Afrax oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud, islamarkaana haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dhinteen qaar ka mid ah ilaaladiisa, sidoo kalena uu dhaawac culus soo gaaray xildhibaan hore Xuseen Caraale Cadaan oo la socday, kaas oo ay haatan la tacaalayaan dhaqaatiirka caafimaadka.

Muxudiin Xasan Afrax ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa lala eegtay uu ahaa mid la soo qorsheeyey, oo la doonayey in lagu khaarijiyo, balse Alle uu ka bad-baadiyey.

Waa markii labaad ee qarax lala eeganayo Nabadoon Afrax, isaga oo maalmo ka hor ka bad-baaday miino gaarigiisa lagula eegtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this