Deeq A. Posted January 24, 2021 Wafdi uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Swan & mas’uuliyiinta la socota oo ay ka mid yihiin hay’adaha UNDP iyo WFP ee QM ayaa kulan la leh madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Waxaa kulanka u dhaxeeya Qoor-Qoor iyo James Swan lagu wadaa in lagu hadlo xaaladaha dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maalmahan waday dadaallo xal loogu raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites