Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
20210123_105335.jpg?resize=713%2C406&ssl

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Taliye Muumin oo warbaahinta kula hadlay Gaalkayo ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 2 qof oo mid yahay shacab, hal kan kelana askari yahay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 8 qof oo isugu jira askar iyo shacab, kuwaas oo hadda lagu daawaynayo Isbitaalka Gaalakcyo.

Wuxuu tilmaamay in qaraxa lala egtay gaari ciidan oo roondo waday, isla markaan uu ahaa mid weyn oo laga hagayay meel fog, wuxuuna intaas ku daray in wadaan baaritaan iyo howgal la xiriira weerarkaas.

Dhanka kale Taliya qeybta booliska gobolka Mudug wuxuu sheegay in ay shalay gelinkii dambe qabteen qaraxyo diyaarsan iyo kuwo la diyaarinayay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka hadashay qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this