Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Degaan ka Tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Inaga soo gaaraya degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal xoogaan uu halkas ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo ururka Al-shabab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii xubna ka tirsan Alshabab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaar ka mid ah  Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dagaalka kadib Al-shabaab ay u suura-gashay inay la wareegaan gacan ku heynta degmada, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Barahoda dhanka Internet-ka ah ee taageera waxa ay ku sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Raagga-Celle .

dhanka kale Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan la wareegida shabaabka ee Raagga-ceelle, iyadoo haatan xaaladda ay tahay mid degan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this