Deeq A. Posted January 22, 2021 Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deeegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay xilligaasi ku sugnaayene ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Magaalada Marka ayaa waxaa ka howl-gala ciidamada Xoogga iyo kuwa nabad sugidda, kuwaas oo baaritaano lagu xaqiijinayo amniga mar walba ka sameeya magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites