Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar loo adeegsaday qarax oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay agagaarka iskuulka Cumar Samatar, iyada oo lala bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan hal askari, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo ciidamada ammaanka ay howl-gallo kooban ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this