Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo shaacisay inay dishay 189 ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada milatariga Uganda oo qayb ka howl-galka AMISOM ayaa sheegay in ugu yaraan 189 dagaalyahan oo ka tiran Al-Shabaab ay ku dileen koonfurta Soomaaliya.

Colonel Diyo Akiiki oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in weerareen tuulada Siigaale oo ku dhawaad 100 km dhinaca koofur galbeed kaga beegan Muqdisho

Sidoo kale wuxuu uu intaasi ku daray in deegaanka ay weerareen ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalayahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

“Howl-galkeena oo ahaa mid qorsheysan ayaan ka fulinay deegaanada Sigaale, Cadiimoole iyo Kaytooy oo ku dhaw deegaanka Janaale halkaas oo aan ku dilnay ragga ka tirsan Al-Shabaab oo tiradooda ay gaareysa 189” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka Uganda.

Milateriga Uganda ayaa sidoo kale shaaciyey in howl-galka ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ay ku burburiyeen agab milateri oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Ma jirto xaqiiqo dhab oo ku aadan warka ka soo yeeray milateriga Uganda oo sheegay in dileen dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Sannadkii 2015-kii ayaa weerar Al-Shabaab ay fuliyeen deegaanka Janaale waxa ay ku dileen illaa iyo 40 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee ka howl-gala Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this