Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xooggaga Tigrayga.

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya Dina Mufti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaanay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb-qaateen dagaalkii waqooyiga Itoobiya ee lala galay TPLF.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay u soo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti.

Arrintan oo ay horey u beenisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ku abuurtay dad badan, gaar ahaan waalidiinta caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this