Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden oo saxeexay wareegtooyin qaarkood saameyn ku yeelanaya Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Joe Biden oo saxeexay wareegtooyin qaarkood saameyn ku yeelanayaan Soomaalida

 

19C8E80C-DB8B-493F-A7D0-04E484DD95F6_w10

Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump.

Wareegtooyinka uu saxiixay madaxweynaha cusub waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Trump uu kusoo rogay toddoba waddan oo ka mid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay ku jirto inay dadkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico.

Mid ka mid ah wareegtooyinka ayaa Biden waxa uu Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu soo saaray dhaartiisa kadib waxaa kale oo ka mid ah, inuu qasab uga dhigay qof kasta oo galaya dhismayaasha dowladda federaalka ee Mareykanka inuu xirto maaskaro, taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Coronavirus.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this