Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo joojisay lacagaha isaga goosha gobollada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa joojisay lacagta Shilin Soomaaliga ee gooshta gobollada.

Wareegto uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntand Cabdi Warsame Ibraahim ayaa lagu furay mas’uuliyiinta baraha kastamyada iyo taliska ilaalada canshuuraha, in aysan gobollada u kala gudbi karin gaadiid wada lacagta Shilin Soomaaliga.

Wareegtada waxaa lagu sheegay in ganacstadu qulqulka lacagta Shilin Soomaaliga u istacmaalaan Bangiga dowladda oo shaqadaas fududeynaya.

Go’aamadii ay dhawaan soo saareen Guddiga xal u helida diidmada Shilin Soomaaliga ayay ku jirtay in la joojiyo lacagaha isaga goosha gobollada Puntland.

FB_IMG_16112199298948374.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland oo joojisay lacagaha isaga goosha gobollada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this