Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka arrimaha dibadda XF oo la kulmay Volkan Bozkir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

d9ca705e-d95b-46a3-b0d8-945f1ee07c3a d4684cc4-a5c5-46fa-a0dd-76a458ac66e3 d736885c-2ce2-4d44-a492-7f545d856fa6 748a9055-1511-467b-b1b0-4e005615d637

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this