Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Qaramada Midoobay u gudbisay xaaladaha ka jira dalka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Volkan Bozkir oo haatan ah madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ahaa mid wax ku ool ah, islamarkaana ka dhacay Mareykanka ayaa labada mas’uul waxay uga wada-hadleen xaaladda Soomaaliya oo xilligan wajaheyso doorasho.

Ugu horreyn wasiir Maxamed Cabdirasaaq ayaa Volkan Bozkir warbixin dheer ka siiyey xaaladda iyo horumarradii ugu dambeeyey ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga & sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey booqashada wasiirka, isaga oo sidoo kale boggaadiyey horumarka ay gaartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii labo jibaari doonto  taageerada ay siiso Soomaaliya.

Si kastaba Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawiso dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha & dib u dhiska dalka.

748a9055-1511-467b-b1b0-4e005615d637.jpg d9ca705e-d95b-46a3-b0d8-945f1ee07c3a.jpg d4684cc4-a5c5-46fa-a0dd-76a458ac66e3.jpgd736885c-2ce2-4d44-a492-7f545d856fa6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this