Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo ka tacsiyeeyey geerida wasiir Cabdi Ismaaciil Boss

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulkaasi, Marxuum Cabdi Ismaaciil Boss oo saaka xanuun ugu geeriyooday magaalada Burco.

Deni ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland iyo ehellada uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu waraabiyo naxariistii Janno.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss.

AHUN Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this