Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Yaaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, walow uu ka bad-baaday qaraxaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  inay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah askarta  ilaalada u aheyd guddoomiyaha la beegsaday.

Xaaladda ayaa hadda ah mi degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada Booliiska ayaa fashiliyey qarax miino oo la dhigay agagaarka saldhigga degmada Yaaqshiid, kaas oo ay ugu dambeyn qarxiyeen ciidanka amniga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayey qaraxyada soo boodada ah, waxaana ugu dambeeyey midkii shalay lagu dilay mas’uuliyiintii Garasbaaley.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this