Deeq A. Posted January 20, 2021 Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyosSafiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjireyaal kale. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa arrimaha muhiimada u leh xaalada hadda lagu jiro, gaar ahaan ammaanka iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxay labada dhinac isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin-waaga ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites