Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kuuriyadda Koonfureed Oo Xayiraad Ay Hore U Saartay Soomaaliya Oo Mar Kale Cusbooneysiisay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa shalay ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay ku kordhisay xayiraad dhinaca socdaalka oo hore u saartay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo kordhiyay xayiraada socdaalka ay tahay mid la xidhiidha amniga ka jira dalalka ay kusoo rogtay xayiraada.

Kuuriyadda ayaa xayiraada ay saartay dalalka Somalia, Yemen, Libya, Syria, Iraq, Afghanistan iyo koonfurta qaranka Philippines ayaa waxaa ay ku kordhisay Lix bilood oo hor leh, waxaana ay ku egtahay 31-da Julaayo ee sannadkan cusub 2021.

Sidoo kale dalalkaas ayey Kuuriyadda Koonfureed ku eedeeysay inay ka jiraan xasilooni darro siyaasadeed, isla markaana ay sii socon doonto arrintaas, taasina ay tahay sababta ay go’aankaas cusub u qaateen.

“Wadamadan la xayiray waxaa loo tixgeliyey in ay ka jirto khatarto weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed taasoo u muuqata in ay sii socon doonto,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this