Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo Hadda jeediyay khudbadiisa Sagootinta & Macasalameynta Aqalka cad & Kursiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyyne Trump oo Hadda jeediyay khudbadiisa Sagootinka Aqalka cad & Kursiga

trump-4-300x168.jpg

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadiisii maca-salaameynta ka hor inta uusan xafiiska ka tagin.

Waxaa uu Trump yiri: “waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba.”

Muqaal la soo galiyay barta Youtube, ayaa waxaa uu sheegay in uu galay “dagaal adag, iyo hardankii ugu adkaa… sababtoo ah buu yiri waa taa wixii aad ii doorateen in aan sameeyo “.

Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday dorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November, taasi oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

“Siyaasad ku dhisan rabshad waa weerar lagu soo qaaday wax walba oo aan ku naaloon jirnay haddii aan nahay Mareykan loomana dulqaadan doono,” waxaa uu sidaasi Mr Trump ku sheegay muqaalka uu soo duubay.

Marna madaxwayne Trump ma magac dhabin ninka isaga badali doona saacado ka dib e Joe Biden.

Maxaa kale oo uu Trump sheegay?

Mr Trump qudhiisa ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka xayuubin ka dib markii lagu eedeeyay “kicin dad weyne iyo kacdoon ” islamarkana waxaa uu wajihi doonaa aqalka Sanetka.

Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed.

Waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

Fariintiisa ayuu ku sheegay, Mr Trump in maamulkiisa uu dhisay”dhaqaalihii ugu ballaarnaa ee taariikhda caalamka soo mara”.

Trump ayaa xilka ka tagaya xilli uu dalkaasi fara ba’an ku hayo feyriska Corona, islamarkana tirada dhimashada ay imika gaartay 400,000 oo qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this