Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjirihii hore ee Soomaaliya ee Washington oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allah u naxariistee, danjire Cabdikariim Cali Cumar oo ahaa danjirihii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaan jirey Mareykanka ayaa shalay galab ku geeriyooday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalkaas, sida ay xaqiijiyeen asxaabiitisa.

Danjire Cabdikariim ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Columbus. Waxaa uu kamid ahaa Soomaalida fara ku tiriska ah ee ku xeel dheer arrimaha diplomaasiyadda.

Danjire Cabdikariim Cali Cumar, ayaa waxaa uu ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee maamulkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, u fadhiyay magaalada Washington ee Mareykanka, wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Allah u naxariistee, Cabdikariim ayaa hadda ahaa Murashax u taagan ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this