Deeq A. Posted January 19, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab. Qoor Qoor ayaa si adag ugu goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.” Waxa uu sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin. “Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor. Share this post Link to post Share on other sites