Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Wafdi sare oo gaaray Badhan iyo u jeedka safarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16110657750114604.jpg?resize=720%

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay Garowe ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Wafdigu uu hoggaaminyo Guddooomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa degmada Badhan ku soo dhaweeyay maamulka gobolka, kan degmada, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Guddooomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilladda.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo ku hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa cisbtaalka magaaladaasi ku booqday dhaawacyada ciidamo ka tirsan Daraawiishta gobolka Sanaag oo maanta gaari uu kula rogmaday wadada u dhaxeysa Badhan iyo Ceeldaahir.

Wafdiga Puntland ee Badhan gaaray oo ay mid yihiin Guddiga dib u habeynta ciidamada ayaa ka qeybgalaya tababar ciidamo loogu soo xiri doono halkaas, sidoo kale waxaa safarkoodu la xiriiraa u kuurgalka xaaladaha gobolka Sanaag.

FB_IMG_16110657449134457.jpg?resize=720% FB_IMG_16110657525176071.jpg?resize=720% FB_IMG_16110657681042010.jpg?resize=720% FB_IMG_16110657575440631.jpg?resize=720% FB_IMG_16110657884046230.jpg?resize=720% FB_IMG_16110658947645986.jpg?resize=720% FB_IMG_16110658108536212.jpg?resize=720% FB_IMG_16110658229984230.jpg?resize=720% FB_IMG_16110658179530242.jpg?resize=720% FB_IMG_16110657994058482.jpg?resize=720% FB_IMG_16110658048784262.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Puntland: Wafdi sare oo gaaray Badhan iyo u jeedka safarkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this