Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee ku yaalla deegaanka Caasimadda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare), guddoomiyihii Dhalinyarada deegaankaasi C/rashiid Dubad iyo labo ka mid ah ilaaladooda.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Duleedka Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaar isugu jiro dhimasho & dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this