Deeq A. Posted January 19, 2021 Muqdisho (Caasimasa Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen ( Guudlaawe) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda dalka & arrimaha HirShabelle. Guudlaawe ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah xildibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada maamulka HirShabelle. Kulanka ayaa ahaa mid is xog- wareysi iyo salaan ay xildhibaanadaasi ugu tageen madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe). Kadib labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha HirShabelle, gaar ahaan xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar. Xildhibaanada iyo madaxweynaha ayaa isla meel dhigay inay muhiim tahay in la soo afjaro xiisadaasi, si looga wada shaqeeyo horumarka HirShabelle. Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka ku soo qaaday xaaladda dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Si kastaba Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka la eego, sida loo wajahayo doorashada dalka. Share this post Link to post Share on other sites