Sign in to follow this  
Deeq A.

  Xukunadda Dilalka ee Dalka Sacuudi Carabiya oo hoos u dhacay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

  Xukunadda Dilalka ee Dalka Sacuudi Carabiya oo hoos u dhacay+Sababta

File photo showing people protesting against the death penalty in Saudi Arabia, outside the Saudi consulate in New York (1 June 2019)
Kooxda ololaha ee Reprieve ayaa sheegtay inay jirto sabab loo rumeysan karo in xukunnada dilka ah ay kordhi doonaan sanadkan 2021

Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay “si aad ah” u yareeyay tirada dadka uu dilka ku xukumay, sida laga soo xigtay guddiga dowladda ah.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Sacuudi Carabiya (SHRC) ayaa diwaan geliyay 27 xukunno dilal ah oo la fuliyay sanadkii la soo dhaafay, taas oo ah hoos u dhac 85% ah marka loo barbardhigo sanadkii 2019.

Waxaa taas loo aaneeyay dib u dhigidda aan la sii shaacin ee xukunnada dilka ah ee dembiyada la xiriira daroogada.

Kooxda ololaha ee Reprieve ayaa ka digtay in laga yaabo in sanadkan ay kordhaan tirada xukunnada dilka ah.

“Hoos u dhaca waxaa qeyb ahaan loo aaneyn karaa xayiraadda Covid-19 laga soo bilaabo February ilaa April, markaas oo aysan dowladdu fulin wax xukun dil ah sababo la xiriira xayiraadaha lagu xakameynayo fayraska,” ayay tiri kooxda.

“Dowladda ayaa soo jeedisay fulinta xukunnada dilka ah saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2020: saddex meelood meel dhammaan xukunnadii dilka ee la fuliyay sanadkii la soo dhaafay waxay dhaceen December keliya.”

Sida laga soo xigtay Amnesty International, Sacuudiga wuxuu sanadkii 2019 xukun dil ah ku fuliyay 184 qof. Kala bar waxay ahaayeen muwaadiniin ajnabi ah halka lixna ay haween ahaayeen.

 

Reprieve iyo Ururka Yurub-Sacuudiga ee Xuquuqda Aadanaha (ESOHR) ayaa isha ku haya kiisaska 80 qof oo la rumeysan yahay inay wajihi doonaan xukun dil ah.

Qaar badan ayaa loo dilay dembiyo la xiriira difaacidda xuquuqda aadanaha, sida ay sheegtay Reprieve.

File photo showing Ali al-Nimr
Ali al-Nimr wuxuu ka mid ah yahay shan qof oo xukun dil ah loogu xukumay Sacuudiga kuwaas oo dembiyo galay markii ay carruur ahaayeen

Bishii April ee la soo dhaafay, SHRC ayaa soo xigatay wareegto ka soo baxday boqortooyada oo lagu sheegay in dadka dembiyada galay markii ay carruur ahaayeen aysan wajihi doonin xukunka dilka ah taas beddelkeedna lagu xukumi doono ugu yaraan 10 sano oo xabsi ah.

Balse wareegtadaas laguma soo daabicin wargeyska rasmiga ah, waxaana la sheegay in qof qof ay weli ku xukuman yihiin dil kuwaas oo dembiyo galay markii ay carruur ahaayeen.

Waxaa ka mid ah Ali al-Nimr, Dawoud al-Marhoun, iyo Abdullah al-Zaher, kuwaas oo 15 iyo 17 jir kala ahaa markii loo xiray inay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo ay soo qaban qaabiyeen Shiicada laga tirada badan yahay ee dalkaas.

“Horumarka ka soo cusboonaaday Sacuudiga waxaa looga gol leeyahay hagaajinta sumcaddiisa ee caalamka, balse farqiga u dhaxeeya xiriirka bulshada iyo isbeddelada sharciga ah waa mid aad u weyn,” ayay tiri agaasimaha Reprieve Maya Foa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this