Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif: 8 February ka hor waa in laga heshiiyaa arrimaha doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16109707578708889.jpg?resize=720%

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa ku baaqay in ka hor 8-da February laga heshiiyo arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho kadib safar dibada ah oo uu ka soo laabtay ayaa sheegay in xiligaan ay ahayd in dalka ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, hayeeshee aysan dhicin arrintaas, isagoo ku tilmaamay nasiib darro dhacday.

Sheekh Shariif wuxuu ku baaqay in heshiis laga gaaro caqabadaha ku hor gudban doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhammeeyo qaab wadahadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu tilmaamay in meel adag uu marayo ammaanka dalka, maadaama Al-shabaab ay culeys saameeyay shacabka ku hayaan amniga dalka.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Shariif: 8 February ka hor waa in laga heshiiyaa arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this