Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka Oo Isaga Baxay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska militariga Maraykanka Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray howlaha ciidamada mareykanka ee ka  bixitaanka Soomaaliya .

Gaashaanle Sare Christopher Karns Afhayeenka AFRICOM  oo wareeysi siiyay VOA-da ayaa u sheegay  in howlaha kabixitaanka la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha doorashada looga adkay Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-kii Bishaan .

Gaashaanle Sare Christopher Karns afhayeenka ciidamada AFRICOM ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weli ciidamada badan oo Mareykan ah ay ku hareen gudaha Soomaaliya .

Afhayeen karns ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo halka la geeyay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya laga saaray sababa dhinaca Amaanka ah .

Waxa uu sheegay Gaashaanle Christopher in haatan hawgalkooda Mareeykan ay galeen wajigoodii Xigay , iyagoona sheegay in ay xoojin doonan xiriirka Ciidamada Soomaaliya , Waxa uuna  wacad ku maray in Maraykaku uu sii wadi doono howl galada ciribtirka ah ee Al-shabab .

JMareeykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka soo jogay ciiidamo lagu qiyaaso illaa 700 oo Askari , kuwaasi oo Soomaaliya u joogay in ay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya bilaawgii  bisha December ee sanadkii tagay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this