Deeq A. Posted January 18, 2021 Goordhaw waxaa gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Xuddur ee xarunta gobalka bakool diyaarad sidday deeq isugu jirta raashiinka nuucyadiisa kala duwan . Deeqday ayaa waxaa la filaya in loo qeybiyo dadka degan magaalada oo muddo dheer go’doon ku jira , taas oo keentay in ay yaarato maciishadda magaalada xuddur . Xuddur waxa ay ka mid tahay magaalooyinka qadiimiga ah taarikhda Soomaaliya , waana caasimadda gobalka Bakool, magaalada ayaana muddo 10-sano ah go’doon ugu jirto xayiraado ay ku soo rogeen ururka Al-shabaab . magaalada ayaana muddooyinkii u danbeyay dadka ku nool ay wajahayeen xaalado nolol darri ah , oo ka dhalatay sicirka raashiinka oo sare u kacay . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites