Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyayaasha Muqdisho Oo Maamulka Madaxweeyne Deni Ka Dalbaday In La Sii Dayo Wariye Kilwe

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada muqdisho ayaa isugu yimid kulan ay soo agaasimeen ururka suxufiyiinta soomaaliyeed ee SJS, kaas oo lagu dalbanayay in xoriyadiisa uu dib u helo wariye Kilwe Adan Faarax.

Wariye Kilwe ayaa 21-maalin ka hor lagu xiray magaalada Garowe isaga oo warbixin ka diyaariyay Isusoo bax shacabka magaalada ay mamulka madaxweeyne Deni kaga dalbanayan wax ka qabashada sicir bararka deeganada maamulkaas .

Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS, Abdalla Ahmed muumin oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan sharci aheyd xarigga wariyaha .

“Marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan tilmaamo sharci daro in ay tahay in 21-maalmood in qofka lagu haayo xabsi, isagoo aan heeysan qareen, isagoo aanan arkin qooyskiisa, isagoo anan ogeeyn in si dhab ah ama si sax ah eedeymaha loo heysto oo ay ku saleeysan tahay wax markaasi daliil ah oo cadeeyn ah .”

“waxaan ognahay Kilwe in la xiray maalin kadib markii uu mudaharaad uu ka dhaca magaalada Garowe oo dad weeynaha ay uga cabanayeen arimaha ku saabsan Sicir Bararka , Taas oo ah Xuquuq dastuuri ah oo dadweeynaha in ay cabashadooda soo gudbiyaan ,wariyayaashuna ay soo bandhigaan cabsahada dad weeynaha. ”

“Waxaa layaab leh oo cajiib ah in 16- maalmood xabsi lagu hayay wararka qaar ee na soo garayayna ay tilmamayan in jirdil lagu sameyay kadib in la keenay eedeyn la sheegay maxkamadda meliteriga ee Puntland in ay soo jeedisay , eedeeyntaas oo aan qoraal ahaan lagu siinin Kilwe, qoyskiisana loo sheegin qareenkiisana aanan lala wadaagin sida uu sharciga dhigayo. ”

Dhanka kale suxufiyiintii banaan baxa ka soo qeeyb gashay ayaa madaxweeynaha Puntland iyo maamulkiisa ugu baaqay in si deg deg ah xabsiga looga sii daayo wariye Kilwe Aden Farax .

139371808_1335771456788162_1467347267864 139390145_1335731246792183_4278937272468 139395627_1335727723459202_5754655031962 139525481_1335731033458871_2395722759877 139529460_1335731923458782_8581573059624 139789177_1335728110125830_7852540090158  140023448_1335727840125857_3937093755959 140034112_1335731633458811_7778709135801 140060022_1335732350125406_8133981850955 140103353_1336149296750378_4520877732742 140285133_1335731426792165_1849772627121 140466662_1336149680083673_1213249697026 140572809_1336149333417041_8830402259136

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this