Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Lafta Gareen oo saraakiisha amniga kala hadlay xaaladda Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan diirada lagu saarayey dardar-gelinta xaqiijinta amniga iyo dib ufurida wadooyinka ay xireen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay sarakiisha laamaha amniga ee ku sugan gobolkaasi

Lafta Gareen ayaa laamaha amaanka kala hadlay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada gobolkaasi, gaar ahaan go’doominta degmooyinka gobolka, siiba Xudur.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidmada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan gobolka Bakool ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in go’doonka looga qaado magaalada Xudur oo laga soo warinayo xaalado dhanka nolosha ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

139620930_743727532930553_65330888202376 139921814_743727589597214_38257406190514 140005914_743728349597138_44810592205750

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this