Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey inuu ciidamadiisii kala baxay Soomaaliya,Halkeese loo daabulay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya,Halkeese loo daabulay?

80C870F9-E43B-4F93-A577-2CA6D6C08F1C_cx0

Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa u sheegay idaaadda VOA in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykaku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya horraantii bisha December ee aynu soo dhaafnay.

Saraakiisha Soomaalida ayaa muujiyey inay go’aankaas saluugsan yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this