Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo kulamo ka wada degmada Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo weli ku sugan  degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaaladaas oo go’doon ku jirta.

Lafta Gareen ayaa kulan horudhac ah la qaatay saraakiisha milatariga Soomaaliya ee ka howl-gala gobollada Bakool iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan oo saacado badan qaatay, islamarkaana ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka degmada Xudur ayaa waaa looga hadlay sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmadaasi oo ay isku hareereeyeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la shiray odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, isaga oo kala hadlay xaaladda adag ee ka jirta degmada Xudur.

Madaxweyn Lafta Gareen ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu bilaabayo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana go’doonka looga qaadayo magaaladaasi.

Xaalad cakiran oo dhanka nolosha ah ayaa haatan ka taagan Bakool, gaar ahaan Xudur, iyada oo ay sare u kacday maciishada, sababo la xiriira amniga wadooyinka degmadaaisi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this