Deeq A. Posted January 17, 2021 Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay degaanno dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame waxaana ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga. Taliyaha ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaa, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono. Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites