Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo daahfuray barnaamij muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii u horreeyay oo la xiriira Dib u eegista ,Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaabdhismeedka Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee dawladda ayaa maanta ka furmay caasimadda Muqdisho, iyadoo uu daahfuray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha dawladda, khubaro saameynaysa qiimeynta iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha ay quseyso.

Guddoomiyaha guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa sheegay in marxalado kala duwan la soo maray inta ay socotay hannaanka horumarinta iyo mushaar bixinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, wuxuuna caddeeyay waqtigan dib u habeyntooda in laga hadlayo inay tilmaam ka bixinayso sida ay dawladda uga go’antahay Shaqaalaha Rayidka inay noqdaan kuwa awood leh.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay dawladda inay muddo 49 bilood ah si joogta ah u bixisay mushaaraadka Shaqaalaha, isagoo sheegay dib u qaabeyntana in laga dhaxlayo horumarinta iyo joogteynta tayada iyo xaquuqda Shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xaqiijiyay dawladda inay sameysay dadaallo badan oo dib u habeyn loogu sameynayay  nidaamka iyo hannaanka maareynta Shaqaalaha Rayidka kuwaas oo ay ka mid tahay shuruuc iyo siyaasado la doonayo in lagu taaba galiyo sarena loogu qaado dawlad wanaagga hay’adaha dawladda iyo adeegyada ay bixiyaan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

139872923_2897530753811373_5058040603136139416725_2897530380478077_7589875101386139896388_2897530437144738_2872503218852139919665_2897530687144713_3115995904921139812928_2897530570478058_4806552136874139952337_2897530640478051_8526198633796 139439624_2897530820478033_1735824272089 139798768_2897530400478075_7570331182431 3O9A1788.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this