Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Madaxda Bankigyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
one-2.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda Bangiyda dalka, kadib markii uu kormeer ku tegay Xarumaha Bangiyda qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxda kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Madaxda Bangiyda dalka ee uu la kulmay u balan qaaday in Xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda, si dhaqaalaha dalku u hormaro.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Madaxda Bankigyada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this