Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Go’aanno laga soo saaray xakamaynta sicir-bararka

Recommended Posts

Deeq A.   
One.png?resize=780%2C405&ssl=1

Guddigii dowladdu u xil-saartay ka tala-bixinta Arrimaha Sicir-bararka, ayaa maanta oo Sabtiya soo saaray go’aanno lagu xallinayo Sicir-barar ka dhashay qiima dhaca iyo diidmada Lacagta  Shilin Soomaaliga ah.

Guddiga  oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, ayaa soo jeediyay in dowladdu mushaharka 20% ku bixiso Shilin Soomaali, islamarkaana dekedda 20% lagu canshuuro Shilin, si loo xakameeyo Sicir-bararka.

Sidoo kale, waxa Guddigu soo jeediyay in Shilin Soomaali badan lagu xereeyo Bankiga dowladda, si loo xasiliyo sicirka Sarrifka Dollar, taas oo soo celinaysa qiimaha iyo kalsoonida lagu qabo Shilinka.

Waxa kale oo Guddigu ku taliyay  in Shirkadaha Isgaarsiintu dib u fasaxaan Lacagta Danabaysan ee lagu diro Mobile-ka, taas oo hore loo xannibay Hal Dollar iyo wixi ka yar.

Sicir-bararka ka dhashay qiima dhaca ku yimid Shilin Soomaaliga degaannada Puntland, wuxu saamayn ba’an ku yeeshay Nolosha dadka danyarta ah, kuwaas oo aan awoodin in ay wax ku iibsadan Lacagta Dollarka ah.

Halkaan hoose ka akhriso go’aannada Guddiga

Onen.jpg?resize=640%2C1315&ssl=1 Two-1.jpg?resize=640%2C1315&ssl=1 Three.jpg?resize=640%2C1315&ssl=1 Four.jpg?resize=640%2C1315&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: Go’aanno laga soo saaray xakamaynta sicir-bararka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this