Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu la’egyahay, maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa haatan dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this