Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada Puntland oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
YAASKA.jpg?resize=503%2C425&ssl=1

Alle ha u naxariistee, waxa maanta oo Khamiis ah magaalada Boosaaso ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada dowladda Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan Ismaaciil.

Marxuum Yaasiin Cartan, wuxu kamid ahaa As’aasayaashii Puntland sannadkii 1998-dii, waxaana uu Xukuumaddii u horraysay ee Puntland ka soo noqday Wasiirka Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, waxa lagu xasuustaa in uu kaalin weyn ka qaatay Dib u-heshiisiinta, Nabadaynta iyo Horumarinta Bulshada, gaar ahaanna xilliyo ay jireen colaado ka dhacay Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

Marxuum Dr Yaasiin Cartan, ayaa sidoo kale haatan ka tirsanaa guddi u xil-saaran Dib u-dhiska wadada Boosaaso iyo Qandala, taas oo weli hawsheedu socoto.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this