Deeq A. Posted January 14, 2021 Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo soo saaray war qoraal ah ayaa si adag uga hadlay dilkii shalay dadka shacabka ahaa loogu geystay gobolka Galgaduud. Falagle ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadka la-laayey oo gaaraya illaa shan ruux oo dhammaan ahaa shacab. Magacyada 5 ruux ee la dilay ayaa kala ah: Gaarane Cawil Samater, Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, Cabdi Yare Maxamed Ow Faarax, Cadaawe Xirsi Lugeey & Ibnu Cali Dheere Xirsi. “AUN Dadka dhintay, falkaas waa mid la xiriira dilalka aanooyinka beelaha, waxaana la toogtay dad culimo ah oo meel joogay oo aan hubeysneen, 5-ruux ayaa dhimatay, waana suuragal in khasaara uu intaas ka badan karo maadaama ay jiraan dad u cararay dhanka howdka, Laamaha ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada maleeshiyadaas” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono raggii ka dambeeyey falkaasi. Gobolka Galgaduud waxaa maalmihii dambe ka dhacayey dilal qorsheysan oo salka ku hayo aano qabiil, iyada oo dhacdadii ugu dambeeyey saraakiil ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites