Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo war ka soo saaray duqayn uu la beegsaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn-mareykan-shabab-weerar-cirka.jpeg

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrikaka, oo loo yaqaan AFRICOM, ayay ku sheegeen in ay Arbacadii shalay duqayn cirka ka fuliyeen degaanka Buulo Fulaay, oo ka tirsan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Qoraalka waxa lagu sheegay, in duqaynta lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay xarun ay Al-shabaab ku lahayd degaanka Buulo Fuulay.

Taliska AFRICOM wuxu sidoo kale xaqiijiyay, in duqaynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya, aysan jirin cid Rayid ah oo waxyeello ka soo gaartay.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo war ka soo saaray duqayn uu la beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this