Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Wakiilada Mareykanka oo u Codeeyay Xil-ka-qaadista Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Wakiilada Mareykanka oo u Codeeyay Xil-ka-qaadista Trump

Aqalka Kongresska
Aqalka Kongresska Mareykanka

Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa markale soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump kadib markii ay u codeyeen inta badan.

Afhayeenka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in markale aqalka ay hogaamiso uu soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, waxaana xil ka qaadistiisa loo gudbinayaa aqalka sare ee Mareykanka.

Xildhibaano gaaraya 232 oo katirsan Kongreska ayaa u codeeyay xil ka qaadista Trump kadib markii lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.

Arrintan ayaa ka dhalatay weerarkii taageerayaasha madaxweyne Trump ay dhawaan ku qaadeen aqalka wakiilada ama Kongreska ee dalka Mareykanka.

Sidookale xildhibaano gaaraya 10 oo katirsan isla xisbiga uu madaxweyne Trump hogaamiyo ayaa sidookale u codeeyay xil ka qaadistiisa, halka 197 xildhibaan oo katirsan isla xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ay kasoo horjeesteen.

Xil ka qaadista ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ayaa ka duwan tii hore oo markii hore ma aysan jirin xildhibaan katirsan xisbiga madaxweyne Trump oo u codeeyay soo jeedinta xil ka qaadistiisa.

Donald Trump
Madaxweyne Donald Trump

Go’aanka Kongreska oo loo gudbin doona aqalka sare ayaa haddii ay iyaguna isku waafaqaan waxay ka dhigan tahay in madaxweyne Trump uusan markale u tartami doonin xilka madaxtinimada ee dalka Mareykanka.

Meel marinta arrintan ee aqalka sare ayaa u baahnaan doontaa aqlabiyadda xildhibaanada aqalka sare. Madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisu ku egyahay 20-ka bisha Janaayo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka ee mar labaad lasoo jeediyo in xilka laga qaado kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dadkii weeraray aqalka Capitol.

Donald Trump oo Talaadadii ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in khudbaddii uu jeediyay asbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid “gabi ahaanba sax ah”.

Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka.

Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena “wax fool xun” ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this