Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Mudaharaad ka dhashay wiil Soomaali ah oo lagu dilay UK+Cida Dilkiisa lagu xidhidhiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaharaad ka dhashay wiil Soomaali ah oo lagu dilay UK+Cida Dilkiisa lagu xidhidhiyey

Mohamud Mohammed Hassan
Maxamuud Maxamed Xasan, oo ahaa 24 jir wuxuu dhintay habeenkii Sabtiga

Taliye ka tirsan booliska ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay “iney dursad siiyaan” baadhitaan madax bannaan oo lagu sameynayo waxa sababay geerida nin dhowr saacadood ka hor xilligaas laga sii daayay gacanta ciidamada amniga.

Qoyska Maxamuud Maxamed Xasan, oo 24 jir ahaa, ayaa dhankooda sheegay in wiilkooda la weeraray kaddib markii lagu xidhay magaalada Cardiff ee ka tirsan UK.

Boqollaal ruux ayaa Talaadadii isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas, iyagoo socod ku tagay ilaa saldhigga booliska Cardiff Bay, iyagoo ka cadheysan arrinta dhacday.

Ciidamada booliska iyo sarkaalka dambiya qabilsan ee lagu magacaabo Alun Michael ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay “dulqaad muujiyaan”.

Mr Michael, oo dusha sare ka maamula booliska Wales, ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay arrinta ku saabsan in laanta dabagalka falalka booliska ee magaceeda loo soo gaabiyo IOPC ku howlan tahay baaritaanka la xidhiidha waxyaabihii dhex maray Xsan iyo booliska ka hor inta uusan dhimanin maqribnimadii Sabtida.

Natiijooyin hordhac ah oo ay waaxdu soo saartay ayaa muujinaya in Xasan uusan u dhimanin dhawacyo jir ahaan uga muuqda.

  • Protesters in Cardiff city centre
Dad boqollaal ah ayaa talaadadii sameeyay mudaharaad looga cadheysan yahay arrinta

Waxaa hadda la sugayaa natiijada dhammeystiran ee baadhitaankii lagu sameeyay meydkiisa.

Sida ay sheegeen booliska Koonfurta Wales, Xasan waxaa xabsiga loo taxaabay isagoo gurigiisa ku sugan habeenkii Jimcada, waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Cardiff Bay.

Waxaa la sii daayay Sabtidii marka uu waqtiga ku beegnaa 08:30 GMT, booliskuna waxay ku laabteen abaare 22:30 kaddib markii uu dhintay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro qoyska Mr Xasan iyo saaxiibbadiisiyo waliba dhammaan bulshada ay dhacdadan saameynta ku yeelatay, gaar ahaan dhimashadiisa iyo waxyaabihii dhacay dabayaaqadii isbuuca,” ayuu yidhi Mr Michael, oo ah taliyaha laanta dambiyada ee Booliska.

“Hadda waxaan ognahay in uusan jirin dhaawac jirkiisa ka muuqda oo sharrixi kara sababtii uu u dhintay, waana muhiim in aan sugno natiijada kama dambeysta ah ee ay soo wadaan kooxda baaritaanka madaxa bannaan sameysay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Boolsika Koonfurta Wales ayaa sheegay in mar walba ay laanta IOPC howsha ku wareejiyaan marka ay dhacdo dhimasho daba socotay arrin ay booliska ku lug lahaayeen.

Waxay dhankooda sheegeen in ilaa hadda aysan caddeyn u heynin awood xad dhaaf ah oo wiilkaas lagu waxyeelleeyay.

Qiyaastii 300 oo ruux ayaa bartamaha magaalada ku bannaan baxay kaddib markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan dhimashada wiilkaas.

Shacabka ayaa dalbanayay in booliska ay sharraxaad ka bixiyaan dhacdadaas, iyagoo sidoo kalena ugu baaqay in ay soo bandhigaan muuqaallada kaamirooyinka CCTV-ga ee saldhigga ku xiran.

Halkan ka Daawo Muqaalka:-

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this