Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay dilka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Howlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray nin magiciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya.

Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab isdhiibitaan ah oo siyaasiyiintaas loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen.

Siyuun Musfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

Soomaalida ayuu caan ka ahaa maadaama uu muddo dheer hoggaaminayay arrimaha Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this