Deeq A. Posted January 13, 2021 Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa howlgalo xalay ka sameeyey xaafadaha ka tirsan magaalada Laascaanood ee gobolaka Sool, kadib wareer Bom gacmeed ah oo magaalada ka dhacay fiidnimadii xalay. Ciidamada ayaa intii howlgalku socday waxaa ay soo qabteen tiro dad ah oo u badan dhallinyaro,kadib wareerkii lagu qaaday xarun ay ka socotay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyink Somaliland. Dadka lagu soo qabtay ayaa ciidamadu ay ku xireen saldhiga booliiska magaalada,waxaana wararku intaas ay intaas ku darayaan in ciidanku dadka ay baaritaan ku samaynayaan. Wareerka xalay fiidkii lagu qaaday xarunta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa waxaa dhaawacyo kasoo gaareen sedex ruux oo laba kamid ah ay tahay ka tirsan Somaliland oo goobtab ka dhawaa iyo qof shacab ah mana jirto cid sheegatay mas,uuliyadda weerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites