Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka iyo qodobo kale oo muhiim u ah arimaha Garsoorka.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ah Hay’adaha Garsoorka Masuuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare,Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka,  Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafriiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Sidoo kale shirka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa sidoo kale ka qeyb gelaya in ka badan 300 oo u badan sharci yaqaano iyo khubaro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this